|
Sheekooyin
The Runaway- Episode 4 Af Somali |
![]() by Luula Jama
Bishii dambe Mumina waxay sarnayd markab yar oo kallumastayaal ah. Markaasay dhawanaysay xeebta Somaliland iyo magaalada Zayla ay ka foganayaan. Waxay xajisay bac basali ah, waa shaygii keliya ee loo ogaaladay inay haysato. Markay fadhiday jilbiheegii iyo gaarkeegii way isku dhowayeen. Hooyadeed ayaa shandaad ugu riiday dhar, xawaash shaah, timir iyo haruudh inay karin karto laxoox laakin isla markiiba markaabkii ayaa ka tegay xeebta, kabtanka baa qabsaday dadkii oo dhan wuxuu amray inay ka tuuraan shandadoodii.
Mumina baa dhawanaysay shandadeedii oo dhul salaaleysay mawjidihii ilaama iyo biyihii baa liqay. Wayna gariirtay. Dadkii kale baa iskudayeen inay haystaan shandadoodii laakin kabtankii markuu islaan dharbaxay ee afkeedii dhig ka soo yaacay, way tuureen.
Waxay ahaayeen laba iyo labaatan qof iyo kabtanka. Waxayna ku cidhidhiyeen markab aad u yar. Badankood ayay ahayeen niman barjeenayaa. Mumina baa aragtay sadeex haween. Mid ka mid ah laba ciyaal bay wadatay. Ciyaalkii ayaa isku dejiyeen iyagoo dhawanayaan mawjadihii. Hooyadood cirka eegaysay. Waxay ahayd tii kabtanku baa dharbaxay oo dhigii may ka masixin wejigeegii.
Way cabsoonayaan, Mumina baa fikirtay. Waxay is weydisatay inay dabalan karaan iyo in kale. Waxay rajeeneysaa inay xoogeeda baa isku badbadiso markuu markabku u soo dhowado xeebta Yemen. Waxay ka boodi doonta markabka. Intaanaan qofna joojin Mumina baa ka dabalan doonta markabka iyo xeebta, waayo ninkii baa sugayaa. Waxay ka baxsan doontaa mustaqbalka waliidkeedii ay go’ansadeen. Way isku qarin doontaa qaxootiga Somalidu Yementa galaysaa. Noolol jidiid ah ayay bilaabi doontaa oo waxaa ugu horeeyaa ay sameeyn doonto waxaa weeyaan inay dhamayso iskoolka.
Intaanay baxsan, wax baa ku qarxiyay markabka. Shanqaadha moteerka iyo mawjadihii way illowday. Mumina baa laga tuuray meeshay fadhiday, waxayna ku tuureen badda. Waxay maqashay qaylo, wayna uurisay qoriyaasha gubanayaan laakin milix baa ka gashay indhaheedii oo way arki kari wayday. Waxay dareentay wax misigteedii taabtay. Indhaheedii bay masaxday, wayna aragtay qori. Gacanteedii bay soo wareejisay. Wayna iskudaysay inay dabalato laakin lugteedii baa aad u xanuunaysay. Way ilbidhiqsatay inay arki karto wixii dhacayaa.
Qiiq baa ka soo baxay wixii ka hadhay markabka. Dadka oo dhan biyaha ay ku jireen, iyagoo ku dagalaamayaa inay helaan wax biyaha salaalayaan. Dabadeeda qaylo baa ka yimid, Mumina baa soo jeedsatay. Hooyadii labadii ciyaal bay gacanteeda saartay. Bir dheer baa ka soo baxay dandeedii. Waxaa laga arkayaa wejigeedu inay aad u cabsoonayso. Markii Mumina ay dawaatay, indhaheedii baa rogmaday, gacmaheediina way dhaceen, biyahana ayay hoos galeen.
“Hooyo!” ciyaalkeedi baa qayliyeen. “Hooyo!”
Gacan baa soo wareegtay dhexda Mumina oo qof baa iyada ku soo jiiday biyaha. Waxay ku laagtay colkaas oo ka qaylisay xanuunka lugta.
“Waad yartahay oo waad xoog badan tahay,” nin baa yidhi. “I sii qoriga.”
Mumina xoog ayay ugu laagtay ninkii laabkiisii. Gacantiisa bay iska furtay, wayna ka dabalatay. Waxay dhaaftay ciyaalkii oo may eegin wejigooda laakin way ogaatay inay daleeyn.
Horteedii ayay aragtay kabtankii, isagoo ku fadhiyaa wax huruudh ah iyo cadaan oo biyaha dhul saaraan. Xagguu ka helay? ayay is weydisay laakin aad bay u dashay oo kama fikirin.
Indhaheedii xoog ayay is kugu qabatay, wayna u dabalatay ilaama iyo sambaadteedii ay gubtay. Sacaada ma ogayn. Wixii ay ogayd waxay ahayd in lugteedu xanuunayso, indhaheedu gubeen iyo caraabkeegu inuu dhegay danxariiga. Markaasay dareemi kari wayday gacmaheedii, qof baa iyada qaatay oo dhul saartay markab kale.
© Poet Nation 2011 |